Kooxdii Raaskambooni oo kala xarig furtay
Waxaa magaalada kismaayo iyo guud ahaan gobolada jubooyinka aad loo hadal hayaa kulankii ergadii hurgowday ee reer gaarisa ku tageen xamar iyagoo is lahaa aad xal u heshaan is maandhaafka ka jira Farmajo iyo Madoobe ka dib markuu kulankii fashilmay is afgarad la’aana lagu kala tagay ayaa kooxdii raaskambooni dhexdooda ka bilaabtay
Khalid madaxa sirdoonka jubbaland oo niyeystay inay fursad u soo baxday ayaa hunguri ka galay madaxnimada jubbaland taas oo si hoose u bilaabay inuu sharaxan yahay dhinaca kale Wasiir Jire ayaa isgana dhinaca beeshiisa culays ka saaran yahay laga yaabaa inuu iscasilo si maamulka raaskambooni loo wiiqo
Axmed madoobe oo waagu ku baryay ayaa wacad ku maray in khaalif iyo jire khayaanada ay sameeyeen inay ka shalaayi doonaan madoobe oo ku caan baxay in qofkay is qabtaan tarxiilo ama khaarajiyo tolow ma ku dhiiran karaa waa su’aasha dad badan is waydiinayaan
Isku soo duuboo waxaa hubaal ah in shacabka jubbaland maanta feejigan yahiin iyagoo ka dharagsan dhibaatada iyo darxumada laga dhaxlay kooxda raaskambooni
Waxaana la isla qirayaa in is badal ka madax banaan kooxaha siyaasada ku jahwareeray loo baahan yahay waxaana socda dadaalo wada tashi ah oo shacabka guud ahaan isku xog waraysanayaan
