Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ay isugu yimaadeen gudiga dhanka Amniga ah isla markaana ay ka hogaaminayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.
Shirka ayaa waxaa shir gudoominayay Taliye Ismaaciil Saxardiid iyadoo diirada lagu saaray ammaanka guud ee deegaanada Jubbaland iyo howl galada ka bilowday qeybo ka tirsan deegaanada Jubbland,oo dhawaan ay Ciidamada DF Soomaaliya ku gaadheegan Hawl galo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa laga dhegaystay warbixino ku saabsan ammaanka iyo howl galadii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanada Jubbaland.
Guddiga amniga Jubbaland ayaa sheegay in shirka diirada lagu saarayo dar-dar gelinta howl galada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa howl galadaasi.
Saraakiisha Ciidamada DF Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab looga dilay howl galada ugu dambeeyey maleeshiyaad farabadan.