XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd taas oo dadku ay ku muujinayaa dareenka ay ka qabaan habdhaqanka Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ee kuwajahan doorashooyinka deegaanada Jubbaland lagu wado In ay ka dhacaan.

 

Xog hoose oo Shabkada Jubalandstate ay ka heshay Madaxtooyada Kismaayo ayaa Sheegaysa in ay jiraan habab cusub oo uu doonayo Axmed Madoobe in uu u mareeyo Doorashada Soo Socota kuwaas  oo lamid ah hababkii hore ee dhaqanka u ahaa Sanadihii la soo dhaafay.

 

Ilo wareedkeena Kismaayo ayaa noo Xaqiijiyey in Axmed Madoobe uu sameeyey gudi gaar ah oo kala shaqayn doonta habka doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo ka horeysay Doorashada Madaxwaynaha,ayna ka dhimantahay wax ka yar 3 bilood waxayna gudigana Axmed Madoobe isla Meel dhigeen in inta badan Xubnaha Baarlamaanka ee hada jooga ay baneeyeen boosaska laguna badalo xubno cusub oo matala dagmooyinka Jubbaland,maadaam Baarlamaanka hada jooga ayna u codayn doonin Madaxwayne Axmed Madoobe.

 

Arinta Xasaasida wayn xanbaarsan ee Xarunta Madaxtooyada Kismaayo laga Soo sheegayo ayaa ah in Madaxwayne Axmed uu u tafoxaydanayo in doorashada Xildhibaanada cusub ay noqonayso mid deg deg u dhacda isla Markaan uu Meesha ka saaro gabi ahaanba Xildhibaanada hada jira,oo intooda badan cadeeyey Mawqafkooda doorashada Madaxtinimada Jubbaland.

 

 

 

Xogaha aan Kismaayo ka helay  ayaa sheegaya in arimaha ay yimaadeen kadib Markii uu Axmed Madoobe ku fashilmay isku day uu ku  doonayey in uu Xili labo sano ah uu ku darsado,waxayna Xildhibaanada Jubbaland muujiyen in ayna Sharci ahayn ku darsashada Madaxwaynaha,taas oo Axmed Madoobe ku abuurtay walaac iyo in uu qaato go’aan ka duwan kii hore.

 

Sikastaba ha ahaatee dadka Siyaasada deegaanka qiimeeya ayaa arintan ku sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo in uu uu keensado Xildhibaano cusub kuwaas oo sitoos ah oogu codeeya Xiliga doorashada,Maadaam uu walaac ka qabo Xildhibaanada baarlamaanka ee hada jira.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...