Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.

Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool Sanaag, ayaa warbaahinta Somalida u sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid Ceeb ku aha Madaxda iyo Shacabka Soomalida,maadaam Xiligan ayna ahayn Xili dalka laga filayo Colaado noocaas.

 

Wuxuu Sheegay Axmed Madoobe,  inuu daba dheeraaday dagaalka isla markaana uu aad uga xun yahay in dad isku dal ah ay qubaan dhiiga shacabka “Waxyeelada ugu danban waxay soo gaadhay dadka Shacabka ee deegaanadaas dagan isla Markaan waxaa qaxay dad shacabka oo deeganaas daganaa”Ayuu yidhi Axmed Madoobe.

 

Hadalka Axmed Madoobe  uu Warbaahinta u mariyey Maamulada  Puntland iyo Soomaaliland ayaa Waxaa ka hadalay qaar kamid ah Odayaasha  dhanqanka iyo waxgaradka  deegaanada Jubbaland ayaa Sheegay in Hogaaminya maamulka Jubbaland uu marwalba warbaahinta kahadalo  kana sheego hadalo aan Munaasab ahayn,kuwaas oo kala  Fogayn kara bulshada Soomaaliyeed.

 

Mid kamid ah Waxgaradkaas oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta Jubalandstate u sheegay in Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland uu marwalba marin habaabiyo shacabka Jubbaland uuna kadalo Waxyaabo aan haboonayn keenina kara Colaad iyo dhibaato “Marna kama Fiirsado hadalada uu warbaahinta mariyo,waxayna abuuraan dhibaatooyin iyo colaado”.

 

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland ayaa lagu dhaliilaa inta badan in Siyaasada deegaanka uu ku hago ay tahay mid aan salka ku haynin tashi uu la sameeyo Goleyaashiisa  Shariga iyo Fulinta iyo Sidoo Kale aqoonyahanka iyo Waxgaradka Jubbaland,Waxaynta taasi keentay in Siyaasada deegaanku ay gasho marxalada aan la saadaalin karin.

 

Dhanka Kale  Jubbaland waxaa ka Socda abaabul dadka gudaha iyo dibada ah  ay ku doonaya in Siyaasada deegaanka isbadal lagu sameeyo maadaam Axmed Madoobe xiligiisu uu dhowyahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...