Maxaad Kala Socotaa Al-Shabaab Wax ay ka Sameeyeen Magaalada Jilib iyo Fariin ay u direen Maamulka Jubbaland.

Al-shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ku soo bandhigtay saaka munaasabada ciida awgeed dhoolatus ciidan.

 

Subaxnimadii hore ee salaadda ciidda ka hor dadku waxay ku waabariisteen ciidamo aad u diyaarsan oo wata baabuurta dagaalka oo ku qulqulaya dhanka fagaaraha ciidda lagu tukado ee al-shabaab ay u yaqaanaan fagaaraha Macallin Aadan Xaashi.

 

Salaaddii ciidda waxa dadwaynaha tujiyay isla markaana khudbadda ciidda u akhriyay gudoomiyaha al-shabaab u qaabilsan gobolada Jubbooyinka Shiikh. Maxamed Abu Cabdalla.

 

Salaaddii kadibna dadka ayaa waxay daawanayeen ciidamada Al-shabaab oo iyagoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka soo bandhigayay Gaardis iyo Anaashiid Sawaaxili iyo Soomaali isugu jirta, Waxaana ka dhex muuqday dagaalyahano Kenyan ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

Xidig iyo Cabdi cali raage oo shirqool ahmed madoobe ka wada nairobi si xidig loogu badalo
- Jan 30, 2019
Xidig iyo Cabdi cali raage oo shirqool ahmed madoobe ka wada nairobi si ...
Kooxdii Raaskambooni oo kala xarig furtay
- Jan 16, 2019
Waxaa magaalada kismaayo iyo guud ahaan gobolada jubooyinka aad loo hadal hayaa kulankii ergadii ...
Maxaa Ka JiraWararka Sheegaya in Madaxda Kenya ee yimid Muqdishu Ay dhexdhexaadinaya Ahmed Madoobe iyo Dowlada
- Jan 14, 2019
Warar aan heleyno ayaa sheegaya magaalada Muqdisho ay soo gaareen Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...