XOGTA Kulankii Magaalada Nairobi Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar iyo Beesha Kuumade.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar ayaa  kulan afur ah waxa uu la qaatay in ka badan boqol qof oo ka Soo jeeda Beesha  “ beesha Kuumade” iyadoo halkaa la isku dhaaf saday doodo laxiriira Masiirka iyo aayaha beesha.

 

 

Wasiirka ayaa Beesha ku baraarujiyay isku duubni iyo in si wadajir loo socdo, Wuxuuna Sheegay in ayna jirin wax Weerar ah oo dowladda Somaliya ay ku wado Jubbaland,  isaga oo sheegay in hadii ay taasi dhacdo ay Marwalba difaaci doonaan qadiyada Jubbaland isla Markaan ay ka Shaqaynayaa danaha Dadka deegaanada Jubbaland ee ay wakiilka ka yihiin,dhanka Kale Wuxuu Wasiirku Sheegay in ay gabi ahaanba jirin  Shirqoolo ay Dowladda Soomaaliya u maleegayso deegaanadaas.

 

 

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay inuu isbadalka dhanka deegaanada gacanta Al-Shabaab ku jira ah isla Markaan  laga  xoreeyo nabad diidka iskuna furi karo deegaanada Jubbaland oo idil si bulshada ay nabad iyo dowladnimo ugu noolaato.

 

 

Qaar kamid ah Waxgaradkii Shirka ka soo qayb galay  ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey in uu ka gaabiyay xoreynta deegaanada gacanta Al-Shabaab ku jira ee Jubbaland isagoo sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in deegaanadaas cadowga laga sifeeyo ,isla Markaan shaqsiyaad dadka ka qayb galay Shirka kamid ah ayaa Madaxwayne Axmed Madoobe ku eedeeyey in uu hortaagan yahay hawlihii hore marinta iyo Xoreynta deegaanada Jubbaland.

 

 

Wasiir Oomaar ayaa ugu dambeyn beesha kula dar daarmay ineey midnimadooda ilaaliyaan kana feejignaadaan wax kasta oo tafaraaruq ku keeni kara lana shaqeeyaan dowladda soomaaliyeed ee uu hormuudka uyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda soomaaliya Mudane Maxamed cabdulaahi “Farmaajo”.

 

 

Waxgaradkii iyo bulshaweyntii kulanka ka soo qeybgashay ayaa wasiirka u balanqaaday in ay fulin doonaan dhamaan talo soo jeedintiisa iyagoo dhinaca kale kula dardaarmay in la dardargaliyo hawlgaladda cadowga lagaga xoreynayo deegaanada gacanta dowladda kamaqan ee Jubbaland.

 

Dhanka Kale Waxgaradka ,Aqoonyahankii iyo Odayaashii dhaqanka ee Shirkaas ka qayb galay ayaa Wasiir Oomaar ku amaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu qabtay mudadii yareyd ee uu Xilka hayey.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...