Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland oo Shirkii Magaalada Baydhabo ka Sheegay in Khilaaf Culus uu u dhexeeyo.

Hogaamiyaah Maamulka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam oo ka qayb galay  shirka Gudiga Amniga Qaranka ee ka furmey magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur galbeed,ayaa hadal uu ka jeediyey wuxuu diiradaku saarey Khilaafka u dhexeeya Maamul goboleedadaqaarkood iyo dowladda Soomaalya.

 

Khudbadiisii ayuu  ku sheegey in ay waajib tahay in la fuliyo dhamaan heshiisyadii hore ee shirarkii hore ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyadu isugu imaadeen ee aysan noqonin in maalinkasta aan la xar-xariiqin waraaqo cusub waxa ku qorana aan la fulineynin.

 

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegey inaysan Dowladda federaalku u arag Dowlad goboleedyada xisbi siyaasadeed oo la tartamaya maadaama Dowlad goboleedyadu waxa ay ku doodayaan ay tahay in aan helno xuquuqdanadii dastuuriga ahayd ee dastuurku na siiyey ayuu yiri Madaxweynahu.

 

 

Amniga ayuu sheegey inay tahay waajib na wada saaran sidii looga xoreyn lahaa nadadiidka gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

 

Sidoo kale Hogaamiyaha  ayaa sheegey in gurmad wax ku ool ah lagaarsiiyo dadka ay saameeyeen fatahaadihii ka dhashey roobabka iyo fatahaada wabiga jubba isagoo hoosta ka xariiqay in ay taakulo dag dag ah gaarsiiyeen dadka sida aadka ah ay mashaqadu u saamaysay

 

Ugu danbayn Wuxuu Axmed Madoobe banaanka u soo saarey in uu jiro khilaaf xooga iyo kalaaragti duwaansho isaga iyo Madaxda Dowladda Faderalka Soomaaliya u dhexeeya,wuxuuna sheegay in ay tahay xal laga gaadho arimaha xasaasiga ah ee taagan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...