WAR CUSUB:Beel Lafdhabar u ah dhismaha Maamulka Jubbaland oo Sheegtay in Axmed ka leexday Wadadii.

Kadib shirarka xaga xidhiidhka telefonada oo ay qurbojoogta iyo dal joogtaba ku yeeshen baryahan aya waxa la isla so qaaday habdhaqanka iyo maamul xumida axmed Madoobe.

 

Beesha Tolomoge oo laf dhabar u ah beelweynta Ogaden absame waxay Isla so qadeen in axmed madoobe ka weecday dhamaan waxyaabihi bulshada jubbaland u igmadeen dhawrki sane u dambaysay haday noqoto xaga xoreynta dhulka maqan, heshiisin dhab ah oo u dhexdhigo shacabki ku dagalamay degaan iyo weliba cadaalad la aan baahsan haday noqoto qaabka awood qaybsiga iyo kheyraadka degaanka.

 

Beesha waxay muujisay in axmed madoobe is lahaysiyey maamulka jubbaland una adeegsado sidi dukaan ama shirkad gaara ah oo leeyahay kuna takrifalo dhamaan awaamiirta iyo qaynuunkii  bulshada reer jubaland ku heshiyeen.

 

Intaas ka dib wax garadki shirkaas ka so qaybgalay waxay ka doodeen go aanka beeshu ka qaadan lahayd maamulka axmed madoobe ee fadhiidka xarunta madaxtooyadana u rogay meel laadhuga lagu ciyaaro.

 

Hadaba beesha tolomoge oo lagu yaqaano cadaalad iyo ku dhaqanka qaynuunka waxay isku raaceen. In mamulka axmed madobe la siiyo wakhti uu isku saxo intaan kalsoonida Lagala noqonin.

  1. In awood qaybsiga maamulka lagu saleeyo cadaalad beelaha wax tabanayana wada tashi lala sameeyo  beesha tolomogena kow ka tahay.
  2. In loo dhaqaaqo xoreynta dhulka gacan ta cadowga ah ku jiro.
  3. In mamulku la shaqeeyo dawlada federaalka ah iskana dayaan mucaaradnimada joogtada ee lagu lug goynayo qaranimada ummada somaliyed.

Beeshu waxay go, Ana  sax ah qadan doonta marka mamulka tixgelin waayo qodobadaas kor ku xusan.

Waxaan ummada somaliyed leenahay Ramadan Kariim.

Daladda beesha Tolomoge ee beelweynta Ogaden.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

Xidig iyo Cabdi cali raage oo shirqool ahmed madoobe ka wada nairobi si xidig loogu badalo
- Jan 30, 2019
Xidig iyo Cabdi cali raage oo shirqool ahmed madoobe ka wada nairobi si ...
Kooxdii Raaskambooni oo kala xarig furtay
- Jan 16, 2019
Waxaa magaalada kismaayo iyo guud ahaan gobolada jubooyinka aad loo hadal hayaa kulankii ergadii ...
Maxaa Ka JiraWararka Sheegaya in Madaxda Kenya ee yimid Muqdishu Ay dhexdhexaadinaya Ahmed Madoobe iyo Dowlada
- Jan 14, 2019
Warar aan heleyno ayaa sheegaya magaalada Muqdisho ay soo gaareen Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...