XOG XASAASI AH:Kulamadii Nairobi,Ergadii Axmed Madoobe iyo Madaxwayne Farmaajo wixii ka soo baxay.

Maalmo ka hor ayey ahayd Markii ay Magaalada Nairobi ka dhaceen Shirar lagaga hadalayey xaalada deegaanada Jubbaland,Waxaan Shirarkaas qayb ka ahaa Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka W/Bari Kenya,Xildhibaano DF Soomaaliya

 

Kulamadaas Kadib Waxaa Madaxwaynaha DF Soomaaliya la kulmay Ergo ka socoda Axmed   Madoobe

Kulankaan oo farmaajo marki hore  uu diiday ayuu dib ka Aqbala marki la  oofiyay 2 Shuruudood oo uu Ku xiray Qabsoomida kulankaas,Wuxuuna qaatay daqiiqado kooban

 

Farmaajo ayaa Ku xiray kulankaan laba  shuruudood oo kala ah

 

 

 

  1. Axmed madoobe inusan kasoo Qayb-gali kulankaas.
  2. siyaasiinta Reer Kenya ee Beesha Absame inaysan kasoo Qaybgalin kulankaas  madaama waxa laga hadlaayo ay tahay Arimaha Jubbaland, Jubbalana aytahay State kamid ah jamhuuriyada Federalka ee Xorta ah Ee Soomaaliya.

 

 

Ergadi Axmed madoobe uu dirsaday oo Aqbalay shuruudihi lagu xiray Qabsoomida kulanka ayaa Iska soo xulay tiro ergo ah oo ka kooban Xildhibaano iyo Sanataro ka tirsan Dowlada federalka Somalia kana soo jeedo Beesha Absame  oogu dambayna way wada kulmen madaxwaynaha.

 

 

Ergadi Axmed Madoobe ka Socotay ayaa Farmaajo u sheegtay Axmed madoobe oo ay ergo u ahaayeen inuu haatan diyaar  u yaha inuu la heshiiyo Dowlada Dhexe siyaasada Dalkana ooga Dambaynaayo Dowlada  Madashi Maamul goboleedyadana uu diyaar uyahay inuu  iskaga baxo.

Taasi badalkeeda  wuxuu Codsanayaa 3 Qodob,

 

 

 

  1. In laga khafiifiyo culayska Siyaasadeed ee saaran  .
  2. In looga Dambeeyo  hormuudna looga dhigo howl galka ay Qorshaynayso  Dowlada federalka ee la Doonaayo in lagu xoreeyo G.J.Dhexe iyo Deegaanada  kale ee Shabaabku wali haystaan.
  3. In loo ogolaado inuu Ku Darsado 2 Sano  oo mudo kororsi ah.

Farmaajo oo u muuqday nin ka dharagsanaa kulankaan iyo waxa uu daaranyaha jawaabtana sii Diyaarsaday ayaa si fudud oo Dagan u jawaab wuxuuna yiri.

3,  sadex, Arimood  hadii aad igala hadlaysaan waan soo shaqaynayaa diyaar  baana u ahayd inaan idinkala hadlo.

 

 

1.Isbadalka  ka socdo Jubbaland iyo sidi loo wajihi  lahaa Reer Jubbaland iyo Dowlada federalka oo wada socdo

2.sidi loo xorayn lahaa Jubad-dhexe iyo Deegaanada kale ee Jubbaland.

  1. Hadii aad Doonaysaan inaad Difaacataan Kursiga Madaxwaynaha Jubbaland miiska soo saara  Musharaxa Aad wadataan wan soo dhawaynaynaa ka dowlada Federalka ahaan,Wuxuuna kugacan saydhay in Marna ay Axmed Madoobe dib u soo celiyaan,isla Markaan uu damaciisa Siyaasadeed u adeegsado dahan guud ee dalka.

 

 

Ergadi waxay yiraahdeen madaxwayne waad mahadsantaha hadal Kar ah ayaad nagula hadashay waana kaaga mahad celinaynaa waqtiga aad nasiiyay waana kasoo tashsnaynaa Ogaadeen ahaan Qofka noogu tartami lahaa madaxwaynaha Jubbaland.

 

 

 

Sidaas ayaa lagu kala tagay xalay Xogti  udambaysayna waxay sheegaysaa  Nairobi inay  ka socdaan kulamo Beesha ogaadeen ay ooga arinsanayso Shaqsiyaadka ay u sharaxan doonaan Madaxwayne ay Jubbaland.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...