Kulankii dhexmaray Ra’isulwasare Khayre iyo dhalinyaradii laga soo saaray Xabsiyada Dalka Liibiya.
Reysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay la kulmay dhalinyaro badan oo dhawaan laga soo sii daayay xabsiyada magafayaasha Liibiya,oo Dowladda Soomaaliya ay halkaas ka soo qaaday kuwaas oo gaadhaya tiro ahaan ilaa 150 dhalinyaro ah.
Halkan ka dhegeyso Codka.
Dhalinyaradan ayaa ka warramay dhib badan oo ay la kulmeen. Wuxuuna Ra’isulwasare khayre dhalinyarada u sheegay in Dalkoodu uu yahay mid qani ah sidaas darteed ayna u baahanayn in dalal Shisheeye ay aadaan.