Axmed Madoobe oo Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta Jubbaland ay Culeys ku saareen in uu tago Shirka.

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madoobe, oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa go’aansaday in Shirka  dhawaan lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarumaha Maamulka K/Galbeed Somaaliya uu ka baaqsado.

 

 

Ilo wareedkeena Magaalada Kismaayo ayaa noo xaqiijiyey in Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Madoobe uu helay qoraal ooga yimid Beesha Caalamka,kaas oo lagu wargalinayo Muhiimada uu leeyahay Shirka Magaalada Baydhabo iyo in uuna ka baaqan Karin Shirkaas Maadaam go’aamada Shirkaas ka soo baxa ay yihiin kuwa DF Soomaaliya iyo Beesha Caalamku ay fulintooda ka wada shaqaynayaan.

 

 

Dhanka Kale Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin  reer Jubbaland ayaa maalmihii u danbeyey Axmed Madoobe kala hadalayey in uuna luminin Xuquuqada Shacabka jubbaland ay ku leeyihiin dhanka DF Soomaaliya uuna ka qayb galo Shirarka Muhiimka u ah shacabka Jubbaland.

 

Xidhiidhka ka dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Madaxwayne Axmed Madoobe  ayaa markale cirka isku shareeray kadib Markii  maalmo ka hore uu baaqday kulan  Magaalada Nairobi ku dhexmaray lahaa Axmed Madoobe iyo Farmaaho kaas oo  qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedada dalka iyo Madaxwayne Farmaajo dhexmaray

 

Sikastaba ha ahaatee Waxaa lagu wadaa in Madaxwayne Axmed Madoobe uu ka qayb galo Shirka Magaalada Baydhabo ka dhacaya dhawaan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

Xidig iyo Cabdi cali raage oo shirqool ahmed madoobe ka wada nairobi si xidig loogu badalo
- Jan 30, 2019
Xidig iyo Cabdi cali raage oo shirqool ahmed madoobe ka wada nairobi si ...
Kooxdii Raaskambooni oo kala xarig furtay
- Jan 16, 2019
Waxaa magaalada kismaayo iyo guud ahaan gobolada jubooyinka aad loo hadal hayaa kulankii ergadii ...
Maxaa Ka JiraWararka Sheegaya in Madaxda Kenya ee yimid Muqdishu Ay dhexdhexaadinaya Ahmed Madoobe iyo Dowlada
- Jan 14, 2019
Warar aan heleyno ayaa sheegaya magaalada Muqdisho ay soo gaareen Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...