XOG CUSUB:Madaxwayne Axmed Madoobe oo Dagay Waji Cusub iyo Farsamada Mudo Kordhinta.

Madaxaeynaha Jubaland  Sh Ahmed Mahamed Islam(Madoobe) ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan soo bandhigo qorshayaal horleh  oo uu ku doonayo in 2 sano laagu daro ka hor dorashinka jubaland 2019,Waxaana Soo baxay qorsheyaal Sir ah oo tilmaamaya habka uu doonayo in uu u qabto hawshaas.

 

Ilo wareedkeena Magaalada Kismaayo oo soo Xiganaya Saraakiil Sar Sare oo ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa waxay soo tabiyeen in  Madaweynaha jubbaland Axmed  Mahamed Islam uu boqday Kenya iyo Ethiopa isagaa ogeysiinayay inuu ku duuli doono Al-Shabaab  si uu uga xoreyo deegaanada Jubbaland ee wali gacanta Al-Shabaab k jira.

 

Saraakiishaas  ayaa waxeey noo Xaqiijiyeen  in ujeedada ugu weyn ay tahay in aysan  dhicin dorashoyin 2019,iyada oo sabab looga dhigayo Dagaalka Cusub ee uu doonayo in uu Al-Shabaab ku qaado Shan Sano oo Kismaayo ay Ciidamado joogeen kadib.

 

Heyadaha calamiga UN,AU EU,IGAD waxaan ogaysinaynaa in arintaas laga fejignado lana aqbalin in lagu daro 2 sano dorashoyinka Jubbaland ka hor ayuu yidhi Mid kamid ah Siyaasiyiinta deegaanada Jubbaland ka soo jeeda

 

Dhanka Kale Musharaxa u taagan  Xilka Maamul Goboleedka Jubaland ahaana Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta D Federal Soomaaliya Mudane Abdulahi Ciilmooge ayaa wuxuu sheegay in M/Waynaha Jubbaland uu ku fashilmay xilkii loo idmaday 5 sano ee la soo dhaafay.

 

Wasiirka ayaa wuxuu intaas ku daray in Maamulka Axmed Madoobe   uusan dhaafsaneyn kismayo. Wuxuuna ku bararujiyay Shacabka reer jubaland ay taageraan musharixiinta iyo aqoon yahanka raba ineey isbedel muuqda ka sameyaan Jubbaland kana xoreyaan Al-Shabaab iyo wixii gacan saar  lalehba.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...