Jubbaland Oo Markii Ugu Horreysay Qaadeysa Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiga Dhexe+Sawiro

Ardayda dhigata fasalka 8 aad ee Iskuulada dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo axad ah u fariisanaya  Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay ugu gudbi lahaayeen Dugsiga Sare,waana markii ugu horreysay ee ay Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ay qabato imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe .

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud  ayaa kormeer ku tagay goobaha lagu qabanayay imtixaanka shahaadiga ah isagoona u mahad celiyay dhamaan Walidiintii dadaalka ku bixisay in caruurtoodu soo gaaraan heerkan.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa  furitaanka imtixaanka ka hadlay isagoona sheegay in guud ahaan deeganada Jubbaland ay Imtixaanka Dugsiga Dhexe u fariisanayaan 1,600 oo Ardey maanta oo ay taarikhdu ku beegan tahay 20 May 2018.

 

Guud ahaan deeganada Jubbaland  ayaa la filaya in maanta uu si wada jir ah uga wada bilowdo imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, waxaana Ardada fasalka Siddeedaad ee dhigata Iskuuladda kismaayo ay imtixanka ku galayaan ilaa Afar xarumood kuwaas oo amaankooda si wayn loo adkeeyay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...