Ciidamada DF Soomaaliya oo Toogasho ku dilay rag Hubaysan oo Gudaha u galay.

Inta la xaqiijiyey labo qof ayaa ku dhintay Tiro kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay kadib Howlgal ay Ciidamada amaanka xalay ka sameeyeen degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa qof Shacab ah iyo nin Bastoolad ku hubeysnaa oo ay Ciidamada ku daba jireen, sidoo ninka la toogtay ayaa la sheegay inuu Bam Gacmeedyo ku hubeesnaa.

Guddoomiyaha degmada Waabari Rowda C/llaahi ayaa Warbaahinta u sheegtay in Ciidamada amniga ay ku guuleesteen ka hortagga rag hubeysan oo damacsanaa in shacabka ay dhibaateeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka Gobalka Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sidoo kale sheegay in ninka la toogtay uu ka mid ahaa dadka dilalka ka fuliya magaalada Muqdisho.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...