XOG: Shariif Xasan oo Akoonada ka xirtay Xildhibaanada K/Galbeed & Xiisad ka taagan Baydhan

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan iney jiraan qalalaaso maamul iyo eedo laga tabanayo madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

 

Arrinta ugu daran ee hadda cabashada ay ka taagan tahay waxay tahay in Shariif Xasan uu Akoonada ka xirtay shaqaalaha maamulka iyo Xildhibaanada,islamarkaana uu diiday inuu bixiyo musharaadka iyo xuquuqda xaqa loogu leeyahay.

 

Sidoo kale,Caqabada ugu weyn ee hadda deegaanada Koonfur Galbeed ka taagan waxay tahay isbaarada ay dhigtaan Ciidanka Dowladda Federaalka oo lacago xad dhaaf ah gaadiidka looga qaado.

 

Ciidanka Militariga ayaa lagu eedeeyay in la dejiyay Ex-Control ilaa iyo Leego.waxayna dhibaatada ugu daran ka jirtaa jidka Baydhabo iyo Xamar isku xira

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ay ku furan yihiin Xiisado siyaasadeed ayaa hadda la soo baxay weji cusub oo uu ku cunaqabatenayo Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ee dhibaatada ku haya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...