Maxaa ka Jira in Pakistan ay gacan ka gaysatay dilkii Sheekh Usama Bin laden

ay’adda sirdoonka dalka Pakistan ayaa baaritaan ku furtay madixii hore ee hay’addan awoodda badan ninka lagu magacaabo Jeneraal Asad Durrani, kadib markii uu buug la qoray ninkii dhiggiisa ahaa ee dalka Hindiya.

 

Sheeko taxane ah oo dhexmartay labada nin ayaa waxaa buug ka qoray wariye u dhashay dalka Hindiya, waxaana ka mid ah moowduucyo aad xasaasi u ah.

 

Jeneraal Asad ayaa waxa uu buugga ku sheegay in sirdoonka Pakistan ay Maraykanka gacan ka siiyeen sidii loo dilli lahaa ama loo dhiibi lahaa hoggaamiyihii Alqaacidda Usama Bin Laden, kaas oo la sheegay in hawlgal ciidan lagu dilay.

 

Jeneraalka hawlgabka ayaa hadda xitaa laga mamnuucay in uu dalkaas dibedda uga boxo, waxaana ku socda baaritaan.

 

Haddii buugga uu qori lahaa hoggaamiye rayid ah, waxa ay ahaan lahayd qiyaamo qaran. Tusaale dhawaan markii Ra’isulwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif uu sheegay in militariga dalkaas ay gabbaad siiyaan kooxo xagjir ah, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Taj Mahal ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya sanadkii 2008-dii. Hadalkaas kadib ayaa waxaa Shariif looga yeeray xarunta guddiga amniga qaranka, halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay, welina lagu heysto hadaladaas.

 

Haatan Shariif waxa uu codsanayaa in sidii isaga looga falceliyay hadalkiisa oo kale la yeelo hadalka Jeneraal Asad.

 

Buugga la qoray ayaa lagu magacaabaa Spy Chronicles, waxayna wada qoreen madaxii hore ee sirdoonka Hindiya Jeneraal AS Dulat.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII MAANTA

24 doon oo taagan dekada Kismaayo iyo qorsho halis ku ah deeganada Jubaland.
- Jun 21, 2018
Kismaayo –Maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa xaalufintii ugu dambeysay ku hayo dhuxusha Soomaaliya ...
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo ka hadalay Hawlgalkii Jilib iyo deegaanada kale ee Jubbalabd.
- Jun 20, 2018
Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlayo amniga , kaasi oo ...
XOG CUSUB:Damac Axmed Madoobe ee Doorashada Jubbaland 2019 iyo Warbixin Xasaasi ah.
- Jun 17, 2018
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka Socda hadal hayntii ugu badnayd ...
Waxgaradka Jubbaland oo Madaxwayne Axmed Madoobe ku dhaliilay Waxqabad Xumo Kuna Sifeeyey Hogaamiye Taloxun.
- Jun 17, 2018
Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, oo markii ugu horeysay ka hadalay Dagaalada deegaanada Sool ...
DAAWO Muuqaalka Sida Ra’iisul wasaaraha Itoobiya loogu soo dhaweeyay Muqdisho
- Jun 16, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa goor dhaw soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ...